Masiixiyad waa diin ka mid ah saddexda diin ee samaawiga ah, oo ay weheliyaan Islaamka iyo Yuhuudiyadda. Diintan waxay ku abtirsataa Ibraahim waxaana lagu tilmaamaa diin Ibraahimiyiin. Masiixiyadda waxay ku dhisan tahay nolosha iyo baridda Ciise Masiix, oo Masiixiyiintu aaminsan yihiin inuu yahay wiilka Maryam iyo Wiilka Ilaah, isla markaana yahay Ilaah iyo badbaadiyaha aadanaha. Diintani waxay ka bilaabatay Bariga Dhexe qarnigii koowaad, kadibna waxay ku faafday Yurub, Afrika, iyo Aasiya iyada oo xertiisii iyo raacsayaashiisii gudbinayeen farriintiisa.
Buugga quduuska ah ee Masiixiyiintu adeegsadaan waa Baybalka, kaas oo ka kooban laba qaybood: Axdigii Hore iyo Axdiga Cusub. Axdigii Hore wuxuu ka warramayaa taariikhda iyo nebiyadii Israa’iil, halka Axdiga Cusub uu diiradda saarayo nolosha, baridda, iskutallaabta, iyo sarakicidda Ciise. Afarta buug ee ugu horreeya Axdiga Cusub waa Matayos, Markos, Luukos, iyo Yooxanaa, kuwaas oo si kala duwan uga warramaya nolosha iyo farriinta Ciise.
Masiixiyiintu waxay aaminsan yihiin in Ilaah uu yahay hal Ilaah oo leh saddex weji: Aabbaha, Wiilka (Ciise Masiix), iyo Ruuxa Quduuska ah. Caqiidadan waxaa si rasmi ah loo xoojiyay Shirkii Nikaaya sannadkii 325 miilaadiga. Masiixiyadda ayaa tan iyo markaas ku faaftay dunida oo dhan, iyadoo saameyn weyn ku yeelatay dhaqanka, farshaxanka, iyo taariikhda ilbaxnimada aadanaha.
Maanta, Masiixiyiintu waxay ku kala noolyihiin dunida oo dhan, iyaga oo u kala baxa laamo waaweyn sida Katooliga, Ortodoksiga, iyo Protestant-ka. Inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho diimeed iyo dhaqan, dhammaantood waxaa mideeya rumaysadka Ciise Masiix iyo fariintiisa ku saabsan jacayl, naxariis, iyo badbaado ruuxi ah.
Asalka erayga
El magaca Masiixiyadda wuxuu la xiriiraa magaca Masiix, kaas oo macnihiisu yahay «la subkay» oo u dhigma erayga Cibraaniga ah māšîaḥ iyo erayga Giriigga ah Christós. Asalka ereyga waxaa lagu sheegay kitaabka Falimaha Rasuullada:
26 markuu soo helayna, ayuu Antiyokh keenay. Waxaana dhacday inay sannad dhan kiniisadda la urureen oo ay dad badan wax bareen, oo meeshii ugu horraysay ee xertii loogu yeedhay Masiixiyiin waxay ahayd Antiyokh.
Caqiidooyinka ugu waaweyn

Masiixiyiintu waxay aaminsan yihiin hal Ilaah oo ku jira Saddexmidnimada Quduuska ah: Aabbaha, Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah. Waxay aaminsan yihiin in Ciise Masiix yahay Wiilka Ilaah, isla markaana yahay Ilaah iyo aadane, inuu ka dhashay Maryam oo bikrad ah, loo silciyey oo iskutallaabta lagu qodbay, dhintay oo la aasay, dabadeedna maalintii saddexaad ka soo sara kacay kuwii dhintay. Waxay sidoo kale aaminsan yihiin inuu mar kale iman doono si uu u xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintay, iyo in dembiyada la cafin doono, kuwa dhintayna la soo sarakicin doono, aadanuhuna heli doono nolosha weligeed ah.
Caqiidooyinkan iyo caqiidooyinka kale ee Masiixiga waxaa si kooban loogu muujiyey caqiidooyinka Masiixiga, gaar ahaan Caqiidada Rasuullada iyo Caqiidada Nikaaya iyo Konstantinoble.
Afarta Injiil

Aragtida Masiixiyiinta
Afarta Injiil ee qaanuuniga ah waa buugaagta ugu muhiimsan ee Axdiga Cusub ee Baybalka, kuwaas oo sheega nolosha, baridda, iskutallaabta, iyo sarakicidda Ciise Masiix. Afartaas buug waa: Matayos, Markos, Luukos, iyo Yooxanaa.
Buuggan waxaa la qoray qarnigii koowaad miilaadiga, dhowr iyo toban sano kadib dhimashada iyo sarakicidda Ciise. Qoraayaashu waxay ahaayeen xertiisii ama dad si dhow ula socday kuwaas.
- Injiilka Markos ayaa la aaminsan yahay inuu yahay kii ugu horreeyay oo la qoray, qiyaastii sannadkii 60–70 M.
- Matayos iyo Luukos waxay raaceen, iyagoo isticmaalay qoraallo hore iyo xasuus dadkii yaqaanay Ciise.
- Yooxanaa wuxuu ahaa kii ugu dambeeyay, waxaana la qoray ku dhowaad 90–100 M, isagoo ka tarjumaaya aragti diineed qoto dheer oo ku saabsan ilaahnimada Ciise.
Mid kasta oo ka mid ahi wuxuu leeyahay qaab iyo ujeeddo gaar ah:
- Matayos wuxuu xooga saarayaa muujinta Ciise sida Masiixii ay Yuhuuddu sugayeen.
- Markos wuxuu diiradda saarayaa ficillada iyo mucjisooyinka Ciise.
- Luukos wuxuu muujinayaa jacaylka Ilaah iyo raxmaddiisa guud ee dadka oo dhan.
- Yooxanaa wuxuu xoogga saarayaa xidhiidhka ruuxiga ah ee Ciise iyo Ilaah, isagoo Ciise ku tilmaamaya “Ereyga Ilaah ee jidh noqday.”
Qarnigii labaad iyo kii saddexaad, kaniisadaha kala duwan ee dunida Masiixiyiinta waxay isticmaaleen qoraallo kala duwan oo ka warramaya Ciise. Waxaa jiray qoraallo kale oo loo yaqaan Injiillada aan qaanuuniga ahayn sida Injiilka Tomas, Filibos, iyo Maryam. Si kastaba ha ahaatee, afarta Injiil ee Matayos, Markos, Luukos, iyo Yooxanaa ayaa si joogto ah loo isticmaalayay dhammaan kaniisadaha waaweyn, waxayna heleen kalsooni guud sababtoo ah waxay ahaayeen kuwo la xiriira xertiisii Ciise iyo baritaankiisa dhab ah.
Markii la gaaray Shirka Diimeed ee Nikaaya sannadkii 325 M, shirkaas diimeed ma ahayn mid lagu doortay Injiillada, sababtoo ah afartaas buug hore ayaa la aqoonsaday oo kaniisaduhu ay isticmaali jireen qarniyo ka hor. Shirku wuxuu diiradda saaray arrimo caqiido, gaar ahaan xiriirka Ciise iyo Ilaah.
Afarta Injiil waa laf-dhabarta caqiidada Masiixiga. Waxay bixiyaan aragtiyo kala duwan laakiin is-waafaqsan oo ku saabsan Ciise — noloshiisa, fariintiisa jacaylka, naxariistiisa, iyo rajo nolosha weligeed ah.
Masiixiyiintu waxay aaminsan yihiin in qoraalladan ay ku qoran yihiin hagid Ruuxa Quduuska ah, sidaas darteedna ay yihiin “Ereyga Ilaah.” Dhammaan laamihii kala duwanaa ee Masiixiyadda — Katoolik, Ortodoks, iyo Protestant — waxay wada aqoonsan yihiin afartaas Injiil inay yihiin saldhigga ugu weyn ee Baybalka iyo rumaysadka Ciise Masiix.
Mad-habyada




Taariikhda Masiixiyadda waxaa lagu arkay kala qaybsanaan badan oo horseeday inay samaysmaan kooxo iyo madhabyo kala duwan oo leh caqiidooyin iyo dhaqammo u gaar ah, kuwaas oo ku kala duwan dhaqanka iyo goobta. Kala qaybsanaanta waaweyn ee Masiixiyadda lafteedu ma aha kuwo isku mid ah, maadaama laamaha qaarkood ay dhexdooda ku jiraan khilaafaadyo waaweyn, halka kala soocidda laamaha waaweyn aysan mar walba ka tarjumayn isu-dhowaanshaha iyo xiriirrada ka dhexeeya kooxaha kala duwan. Tan iyo Dib-u-habaynta Protestant-ka, Masiixiyadda waxaa badanaa loo qaybiyaa saddex laamood oo waaweyn: Kaatoliga, Ortodoksiga iyo Protestant-ka, laakiin taariikh ahaan waxaa jiray kuwo badan oo kale.
Kaniisadda Kaatooligga
Kaatoligu waa laanta ugu weyn ee Masiixiyadda, waxaana hoggaamiya baadariga Roma, oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Kaniisadda Kaatooliga. Kaatooligu wuxuu aaminsan yahay in baadarigu yahay beddelka Rasuul Butros, oo uu sidaas ku sii wado xilkii Ciise Masiix u dhiibay Butros. Kaniisadda Kaatooliga waxay ku dhisan tahay Kitaabka Quduuska ah iyo dhaqanka Kaniisadda, waxaana waxbaristeeda rasmiga ah lagu qeexaa caqiidada Kaniisadda. Caqiidada Kaatooligu waxay ka mid tahay rumaysadka Saddexmidnimada Quduuska ah, Ciise Masiix oo ah Wiilka Ilaah iyo Badbaadiyaha aadanaha, iyo sarakicidda kuwii dhintay iyo nolosha weligeed ah. Kaatooligu wuxuu sidoo kale si gaar ah u xurmeeyaa Maryam, hooyadii Ciise, oo Kaniisaddu u aqoonsan tahay hooyada Ilaah iyo hooyada Masiixiyiinta. Kaniisadda Kaatooligu waxay sidoo kale aaminsan tahay in Kaniisaddu tahay jirka Masiixa oo ay leedahay hawl ay ugu adeegto dadka iyo faafinta farriinta Injiilka.
Kaniisadda Kaatooligu waxay aqoonsan tahay toddoba karaamadood: Baabtiiska, Xaqiijinta, Eucharist, Toobadda, Subkidda bukaanka, Amarka wadaaddada iyo Guurka. Karaamadaha waxaa loo kala saaraa saddex qaybood: karaamada bilowga Masiixiga, karaamada bogsiinta iyo karaamada u adeegta wadaagga iyo howlgalka rumaystayaasha.
Kaniisadda Ortodoksiga
Ortodoksigu wuxuu ka kooban yahay Kaniisadaha Ortodoksiga Bari, kuwaas oo wadaaga caqiido, cibaado iyo dhaqan kaniisadeed oo isku dhow, isla markaana u abaabulan Kaniisado ismaamul ah. Waxay ka mid yihiin dhaqamada Masiixiga ee ugu faca weyn, waxaana caadi ahaan lagu gartaa ilaalinta caadooyinka iyo cibaadada Kaniisaddii hore.
Caqiidada Ortodoksigu waxay ku dhisan tahay Kitaabka Quduuska ah iyo dhaqanka Quduuska ah ee Kaniisadda. Ortodoksigu wuxuu aaminsan yahay Saddexmidnimada Quduuska ah, Ciise Masiix oo ah Wiilka Ilaah iyo Badbaadiyaha aadanaha, dhimashadiisa iyo sarakiciddiisa, iyo nolosha weligeed ah. Kaniisadaha Ortodoksiga waxay sidoo kale aqoonsan yihiin toddoba karaamadood, oo ay ka mid yihiin Baabtiiska, Eucharist iyo Guurka.
Kaniisadaha Ortodoksiga waxaa ka mid ah Patriarhigyada taariikhiga ah ee Konstantinoble (Istanbuul), Askandariya, Andaakiya iyo Qudus, iyo Kaniisado kale oo ismaamul ah. Baadariga iyo Patriarhiga Askandariya iyo Afrika oo dhan waa hoggaamiyaha Patriarhigga Askandariya, kaas oo awooddiisa kaniisadeed ku fidsan tahay dhammaan qaaradda Afrika.
Protestant-ka
Protestant-ku wuxuu ka soo baxay Yurub xilligii Dib-u-habaynta Protestant-ka qarnigii 16aad, waxaana asal ahaan ka dhashay dhaqdhaqaaqyo diimeed oo dhaliilay qaar ka mid ah caqiidooyinka iyo dhaqamada Kaniisadda Kaatooliga. Tan iyo xilligaas, Protestant-ku wuxuu u kala baxay laamo iyo firqooyin badan, oo ay ka mid yihiin Lutheranism-ka, Calvinism-ka, Anglicanism-ka iyo Methodism-ka.
Linkiga Cadaymaha
Kitaabka quduska Archived Juun 22, 2021 // Wayback Machine
