
Dhulbadhe, Dhulbare (Af Ingiriis: equator; Af Carabi: خط الاستواء) waa xariiq qaloocanoo ku soo meereesto soo wareegta goobada meere taasi oo u kala qeybisa labo gobol.
Sida caadiga ah, Dhulbadhe waa xariiq khiyaali ah oo dhulka u qeybisa Cidhifka Waqooyi iyo Cidhifka Koonfur. Sidoo kale, xariiqda dhulbadhuhu waxay leedahay dherer dhan 40,075 km; taasi 78.7% ka mid ah dhex marto biyaha badaha iyo 21.3% oo dhul dhex marta.
Guud ahaan, dhamaan meerayaasha koonka waxay dhamaantood leeyihiin xariiq dhulbadhe.
Sharaxaad
Dhulbadhe waa xariiq dhexmarta meere kasta taasi oo u qeybisa labo gobol; koonfur iyo waqooyi. Dhulbadha, sidoo kale loo yaqaano Xariiqda Dhexe waxay meeraha dhulka ka dhex martaa qaarada Afrika, Badhtamaha Ameerika, iyo qeybo ka mid ah Aasiya.
