factograf
SO
Sign in

Dayax

Dayax
Dayax/Bil
Dayax/Bil
Dayaxa Triton ee meeraha Docay.
Dayaxa Triton ee meeraha Docay.
Yuruba waa dayaxa Cirjeex.
Yuruba waa dayaxa Cirjeex.
Dayaxa Dhulka oo si buuxda looga arko Oogada sare ee cirka.
Dayaxa Dhulka oo si buuxda looga arko Oogada sare ee cirka.
4 images

Dayax (Dayaxgacmeedka dabiiciga ah) (Af Ingiriis: Moon; astaan: ) waa walax ku wareegta Meere ama wax ka ween dayaxa. Ugu yaraan, meere kasta wuxuu leeyahay hal dayax ama in ka badan.

Cufis-jiidadka u dhexeeya dhulka iyo dayaxa ayaa keena mowjadaha badaha, taas mi la mid ah ayaa keentay isku-xidhnaanshaha labadooda.

Dayaxa oo ku socda xawaare dhan 1.022 kilomitir ilbiriqsigiiba, ayaa waxay ku qaadataa 27 maalmood, 7 saacadood iyo 43 daqiiqo in uu hal mar ku wareego dhulka.

Dhinaca kale, isku wareega dayaxu (circumference) waa 10, 921 km; cufkiisuna waa 2.1958 ×
1010 km3 halka mugiisu yahay 7.3477 ×
1022 kg. Maadaama dayaxa cirkiisu aad u khafiif yahay falaadhaha qoraxduna toos u soo taabtaan oogada dayaxa ayaa heerkulkiisu aad u sareeyaa ugu yaraan waa 100 Kalfin ugu badnaana wuxuu gaadhaa 390 K.

Qaabdhismeedka Dayaxa

Jidhka dayaxu wuxuu ka samaysan yahay iskudhisyo kala duwan kuwaas oo u badan curiyeyaasha kala ah: Argon, Hiliyaam, Sodhiyaam, Botashiyaam, Haydarojiin iyo Raadon.

Markii ugu horeeysay taariikhda bani-aadamka, sanadkii 1959kii ayaa Dayax Gacmeed Ruushku leeyahay tagay dayaxa. Ka dib, 1968dii ayaa qofkii ugu horeeyay cagaha saaray dayaxa kaas oo ka socday Dawladda Maraykanka. Sanadkii 2004 wixii ka dambeeyay ayaa wadanada Jabaan, Hindiya, Shiinaha iyo Yurub saldhigyo ka sameeysteen dayaxa.

Inkasto dayaxu lahayn cir sare oo ka difaaca kulka qoraxda, cilmi baadhis la sameeyay waxay muujisay in dayaxu leeyahay biyo laga heli karo cidhifyada dayaxa iyo oogada sare dhexdeeda.

Bahda Qoraxdu Midaysay

Dayaxa meere waa duni yar oo ka samaysan dhagaxaan, neef iyo isku dhisyo kale taasi oo ku wareegta meere. Tusaale ahaan, dayaxa meeraha dhulka. Waxaa jira 173 dayax oo ku meeraysta meerayaasha Bahda Qoraxdu Midaysay, iyo sideed kale oo ku wareega dunida yaryar. Meereyaasha Waxaraxir iyo Dusaa ma lahan wax dayax ah, Dhulku wuxuu leeyahay hal dayax, meeraha afaraad Farraare wuxuu leeyahay labo dayax oo kala ah Fobos (Phobos) iyo Dheymos (Deimos).

Neefaha Waawayn waxay leeyihiin tiro badan oo dayaxyo ah, kuwaas oo qaarkood le'eg yihiin xajmiga dayaxa dhulka; qaar kalena kaba wayn yihiin meerayaasha, sida dayaxa Raage ee Titan wuu ka xajmi weyn yahay meeraha Dusaa. Meeraha Cirjeex waa kan leh tirada ugu badan daxayada ee Bahda Qoraxdu Midaysay, wuxuuna leeyahay 67 dayax. Waxaa ku xiga meeraha Raage oo leh tirada labaad ee ugu badan dhamaan sideeda meere ee bahda qoraxdu midaysay kuwaas oo ah 62 dayax. Dhinaca kale, meeraha Uraano wuxuu leeyahay tirada sadexaad ee ugu badan bahda qoraxdu midaysay kuwaas oo dhan 27 dayax. Meeraha Docay wuxuu leeyahay 14 dayax.

Si kastaba ha ahaatee, duunyooyinka yar qaar ka mid ah waxay leeyihiin dayaxyo yaryar oo ku wareega ayaga. Dunida yar ee Ceres ma lahan wax dayax ah, laakiin dunida yar ee Bluto waxay 5 dayax oo wareega. Sidoo kale, dunida yar ee Haumea waxay leedahay 2 dayax, waxaa iyadna hal dayax leh dunida yar ee Eris.

Waxaa la aaminsan yahay in dayaxyada qaar ay ka jirto nolol, sida dayaxa Titan ee Cirjeex iyo bisha Triton ee meeraha Docay, laakiin lama hubo ineey jirto midaasi.

Liiska Dayax ee Meerayasha

Meereyaasha Bahda Midaysay Qoraxdu iyo bilahooda

Dunidayar ee sidoo kale oo bilooyin leh waxaa ka mid ah:


Dayaxa Farraare

Meereha Farraare (Mars) wuxuu leeyahay labo dayax oo kala ah Fobos (Phobos) iyo Dheymos (Deimos).

Dayaxa Cirjeex

dayaxa Europa ee meeraha Cirjeex.
dayaxa Europa ee meeraha Cirjeex.

Meereha Cirjeex waa kan leh tirada ugu badan daxayada ee Bahda Qoraxdu Midaysay, wuxuuna leeyahay 67 dayax.

Tirada dayaxyada ee meerahan Cirjeex aad ayay u badan tahay, dhamaantoodna aqoon fiican looma laha, laakiin kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah:

Dayaxa Raage

dayaxa Titan ee meeraha Raage.
dayaxa Titan ee meeraha Raage.
dayaxa Mimas ee meeraha Raage.
dayaxa Mimas ee meeraha Raage.
2 images

Meereha Raage waa kan labaad ee leh tirada ugu badan daxayada ee Bahda Qoraxdu Midaysay, wuxuuna leeyahay 62 dayax. Tirada dayaxyada ee meerahan Raage aad ayay u badan tahay, dhamaantoodna aqoon fiican looma laha, laakiin kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah:

Dayaxa Uraano

dayaxa Miranda ee meeraha Uraano.
dayaxa Miranda ee meeraha Uraano.

Meereha Uraano (Uranus) wuxuu leeyahay tirada sadexaad ee ugu badan bahda qoraxdu midaysay kuwaas oo dhan 27 dayax.

Meerahan Uraano wuxuu leeyahay tiro badan oo dayaxyo ah, kuwaas waxaa ugu caansan:

Dayaxa Docay

dayaxa Triton ee meeraha Docay.
dayaxa Triton ee meeraha Docay.

Meereha Docay (Neptune) wuxuu leeyahay tirada afaraad ee ugu badan Bahda Qoraxdu Midaysay kuwaas oo dhan 14 dayax.

Meerahan Docay wuxuu leeyahay tiro badan oo dayaxyo ah, kuwaas waxaa ugu caansan:

Dayaxyada Bluto

Dunida yar ee Bluto oo wakhtiyadii hore loo aqoonsanaa ineey tahay meeraha 9aad ee Bahda Qoraxdu Midaysay, balse sanadkii 2006da loo aqoonsaday ineey tahay duniyar; ayaa waxay leedahay 5 dayax oo ku wareega ayada.

Qoraalo La Mid ah

Xigasho

Maqaalkan guud waa la bilaabay.
Wax ma ka taqaan Dayax sida taariikhdeeda ama xidhiidhka ay la leedahay mawduucyo kale?
Waxaa laga yaabaa inaad ku aragto macluumaadka Wikibidhiya Ingiriiska ama luqado kale oo ay tahay in la tarjumo?
Markaa waxaad ku caawin kartaa Wikibidhiya leh wax ka bedel oo ku dar xog.

Read next

In 135 languages

soаԥсшәаAfrikaansAlemannischaragonésअंगिकाالعربيةالدارجةمصرىঅসমীয়াasturianuazərbaycancaتۆرکجهBoarischбеларуская (тарашкевіца)беларускаябългарскиभोजपुरीBanjarবাংলাbrezhonegbosanskicatalà閩東語 / Mìng-dĕ̤ng-ngṳ̄ᏣᎳᎩکوردیčeštinaсловѣньскъ / ⰔⰎⰑⰂⰡⰐⰠⰔⰍⰟчӑвашлаdanskDeutschΕλληνικάEnglishEsperantoespañoleestieuskaraفارسیsuomiNa Vosa VakavitifrançaisFryskGaeilge贛語kriyòl gwiyannenGàidhliggalegoAvañe'ẽwayuunaikiעבריתहिन्दीhrvatskiKreyòl ayisyenmagyarհայերենinterlinguaBahasa IndonesiaгӀалгӀайIdoíslenskaitaliano日本語PatoisJawaქართულიTaqbaylitқазақшаಕನ್ನಡ한국어RipoarischkurdîкыргызчаLatinaLëtzebuergeschLugandaLimburgslietuviųlatviešuमगहीMalagasyMinangkabauмакедонскиമലയാളംмонголमराठीBahasa MelayuMirandésမြန်မာဘာသာPlattdüütschनेपालीNederlandsnorsk nynorsknorskoccitanਪੰਜਾਬੀpolskiPiemontèisپښتوportuguêsRuna Simiromânăрусскийsicilianuسنڌيsrpskohrvatski / српскохрватскиසිංහලSimple Englishslovenčinaslovenščinaanarâškielâshqipсрпски / srpskiSeeltersksvenskaதமிழ்తెలుగుไทยTürkmençeTagalogtoki ponaTürkçeтатарча / tatarçaукраїнськаاردوoʻzbekcha / ўзбекчаvènetoTiếng Việt吴语მარგალურიייִדיש文言閩南語 / Bân-lâm-gí粵語中文isiZulu

Text from Wikipedia, CC BY-SA 4.0 · Source article